Hoggaaminta Xog Ururin Kalluumaysi oo Soomaaliya Anficidoonta Mustaqbalka

fisheries data collection somali

by Laura Burroughs and Jamal Hassan

Siddeed iyo toban qof oo Soomaali ah, oo isugu jira shaqaale Wasaaradaha Kalluumaysiga (heer Federaal iyo heer Dowlad Gobboleed) iyo xog ururiyayaal iyaga la shaqeeya, ayaa hoggaaminaya mashruuc xog ururin ah oo kalluumeysiga ah - waana kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo dagaalkii sokeeye ee waddanka. Mashruuca, oo loo yaqaan Mashruuc Xog Ururinta Kalluumaysiga Heer Qaran, waa mid xog ururin ah, oo lix xeebood oo Soomaliya ku yaalla ka socda, oo hadafkiisu uu yahay in lagu ogaado kalluunka xeebaha Soomaaliya ka so dega tiradiisa iyo noocyadiisa, iyo dhaqaalaha ka soo gala. Waxaa mashruuca taageeraaya hay’adaha SF iyo FAO.

Dadka mashruuca ka shaqaynaya, ee jooga goobaha ay shaqadu ka socoto, waa dad aqoon badan u leh deegaankooda iyo kalluunka noocyadiisa kala duwan, isla markaana si dhakhso ah u bartay qaabka xog ururinta loo sameeyo. Muddo siddeed bilood keliya gudahooda, xog ururiyayaashu waxay xog ka ururiyeen in ka badan 31,000 xabbo oo kalluun ah, waxaa ayna isla markaana cabbireen 8400 xabbo oo kalluun ah, dherekooda iyo miisaankooda. Usbuuc kasta, saddex maalmood bey xog ururintu ka socota, goobaha ay shaqadu ka socoto, waxaana maalin kasta xog laga raadiyaa saddex doonyood. 

Dadka mashruucan ka shaqaynaya waxay dareensanyihiin  in shaqada ay wadaaan ay tahay mid aad u muhiim ah, oo dadaal badan mudan, maxaa yeelay waxay soo saarayaan xogta lagu maamulidoono, laguna ilaalindoono, kheyraadka xeebaha waddanka. Kalluunka ay cabbirayaan waa talaabada ugu horreeysa ee lagu gaarayo maarayn kalluumaysi oo wax ku ool ah, oo ku salaysan xog ururin qaran oo nidaamsan. 

Gani  Gaacal

Si loo fahmo saameynta uu leeyahay mashruucan, hay’adda Secure Fisheries waxay wareysatay laba qof oo mashruuca shaqo muhiim ah ka wada, si khibradooda iyo aragtidooda looga faa’idaysto. Sanadka 2019, Gani Cabdullahi Xasan iyo Maxamed Gacal waxay shaqo ba bilaabeen mashruucan. Gacal waa gacan yaraha mashruuca; waxaana shaqadiisa ka mid ah inuu xogta geliyo kombiyuutarka ay xogtu ku xafidantahay (database), iyo inuu hubiyo tayada xogta. Wuxuu kale oo gacan ka geystaa isku dubaridka xogta. Gani waxay tahay isku duwaha xog ururinta Kismaayo ka socota. Shaqadeeda waxaa ka mid ah inay kormeerto labada xog ururiye ee iyada la shaqeeya, iyada oo isla markaana la garab shaqaysaa mararka qaarkood. Waxay kale oo si joogto ah Secure Fisheries u soo gudbisaa xog dhamaystiran. 

Gani waxay ku dhalatay magaalada Kismaayo, waxayna wax ku soo baratay Jaamacadda Kismaayo, halkaas oo ay ka qaadatay shahaado cilmiga caafimaadka iyo shahaado maamulka ganacsiga. Waxay hadda ka hor u soo shaqeysay hay’adda UNICEF, qeybta caruurta. Marna waxay ahayd macillamad dugsi sare wax ka dhigta, iyada oo dhigijirtay xisaabta iyo afka soomaaliga. Markii ugu horraysay ee ay Gani ku lugyeelatay kalluumeysiga waxay ahayd beri ay ka shaqaynaysay mashruuc xog ururin ah oo ay isla wadeen hay’adda GIZ iyo Wasaaradda Kalluumaysiga ee Jubaland, iyada oo halkaas ku tabarucday si ay xog u ururiso. Khibrada ay Gani ee u leedahay xog ururinta ayaa u horseeday inay xiiseyso, wakhti iyo dadaalna geliso, horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya. 

Gacal, Soomaaliya buu ku dhashay, wuxuuse ku koray Imaaraadka Carabta. Dib ayuu ugu soo noqday magaalada Muqdisho, wuxuuna shahaado cilmiga badda ka qaatay Jaamacadda City ee Muqdisho. Maadada uu jaamacadda ku soo bartay waxay xoojisay jaceylka uu u qabo kalluumeysiga Soomaaliya, wuxuuna rajeynayaa inuu waxbarashadiisa sii wato ilaa heer labaad.

Labadan qofkaba, waxay shaqada ay qabanayaan ka barteen xirfado muhiim ah, xagga xog ururinta, maxaa yeelay shaqadu waxay leedahay dhinacyo farsamo oo xirfad iyo aqoon gaar ah u baahan, waxaana ka mid ah aqoonsiga noocyada kala duwan ee kalluunka iyo qaabka kalluunka loo cabbiro. Waxay kale oo soo barteen qaabka cilmi baarista loo sameeyo.

Khibradda iyo aqoonta ay kasbadeen, aad buu u anfacaa, khaastan marka ay la kulmaan caqabado shaqadooda la xiriirsan. Tusaale ahaan, garashada noocyada kala duwan ee kalluunka waa hawl adag oo u baahan indho indhayn taxaddar leh, si loo kala saaro. Sidoo kale, shaqadu waxay kale oo u baahantahay samir iyo dadaal badan, maxaa yeelay maalmaha qaar ka mid ah, waxaa laga yaabaa inay lix saacadood xeebta joogaan, iyaga oo sugaya doomaha ugu horreeya soo gelitaankooda. 

Mashruucan ayaa sidoo kale iftiimiyay caqabado ballaaran oo ku wajahan kalluumeysiga Soomaaliya, iyo baahida loo qabo in kalsooni laga dhex abuuro bulshada kalluumaysata iyo hay’adaha dowladda. Mar waxaa dhacday in Gacal, asaga oo xeebta Liido xog ururin ka wada, lagu eedeeyey inuu xogta u ururiyo safaaradda Turkiga. Arrintaasi waxay ahayd mid la yaab leh, laakiin waxay muujinaysaa shakiga iyo kalsooni darada jirikarta mararka qaarkood. Waxaa kale oo jirta, in baahi loo qabo in is-aaminaad iyo kalsooni laga dhex abuuro: bulshada kheyraadka badda isticmaalaysa, aqoonyahada, iyo saraakiisha dowladda. Gani waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in is-aaminaadu ay aad muhiim u tahay haddii la rabo in mustaqbalka xog ururin muddo dheer soconaysa wadanka laga sameeyo, oo laga miro dhaliyo.  Sida ay aaminsantahay, bulshada kalluumaysata waa inay fahmaan, oo weliba ku lug yeeshaan mashruuca, si uu u noqdo mid wax ku ool ah. Markaa, waxaa la orankaraa, dadaalka Gacal iyo Gani (iyo dadka kale ee mashruuca ka shaqaynaya) ay wadaan, oo hadafkiisu uu yahay in bulshada kalluumaysata lala yeesho xiriir wanaagsan oo ku dhisan kalsooni iyo is-aaminaad, wuu miro dhalay, wuxuuna ugu dambeyntiina horseed u noqday in mashruucu uu taageero fiican ka helo bulshada kallumaysata. 

Maadaama ay xog ururiyayaashu xeebta ka shaqaynayaan, waxay si toos ah ula socdaan, caqabadaha horyaalla kalluumaysatada laftooda. Tusaale ahaan, shaqada ay Gani waddo, waxay si toos ah u bartay khatarta daran ee kalluumaysatada soomaaliyeed ay ku suganyihiin. Gani iyo dadka la shaqeeya, waxay mar la kulmeen nin ka soo badbaaday doon qallibantay, oo laba qof oo kale ay ku dhinteen. Shilalka noocaas ah waxaa sabab u ah kalluumaysata oo qaar badan oo ka mid ah oo aan dabaasha aqoonin, iyo qalabka badbaadada oo aysan qaadanaynin. Gani waxay aaminsantahay in qalabka noocaas ah, iyo barashada sida loo dabaasho, ay yihiin farqiga u dhexeeya inuu qofku noolaado ama uu dhinto.  

In kasta oo ay jiraan caqabado badan oo noocaas ah, haddana Gani iyo Gacal waxaa ka go’an inay mashruucan ka miro dhaliyaan, waxayna rajo wanaagsan ka qabaan mustaqbalka kalluumeysiga Soomaaliya. Labadooduba waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la soo ururiyo xog tayo wanaagsan leh; xogtaas oo mustaqbalka loo isticmaalidoono in kalluunka waddanka si sax ah loo maareeyo, xogtaasi oo runtii ah mid dowladdu hadda ka maqan. Intaa waxaa sii dheer, labaduba waxay aaminsan yihiin in qaybta kalluumeysiga ee Soomaaliya ay soo hagaageyso, walow ay u baahantahay in kor loo sii qaado.

In kasta oo waagii hore, Soomaalidu aysan aad u cunijirin kalluunka, haddana beyrahan dambe cunista kalluunka baa wadanka ku soo badanaysa, taas oo suuqa kallumaysiga kor u qaadday, isla markaana fursado shaqo ah oo dheerri ah ka dhex abuurtay. Gani waxay noo sheegtay inay aragtay dad ilaa Marka ka yimid, oo Kismaayo u soo guuray, si ay uga faa'idaystaan fursadaha shaqo ee Kismaayo ka jira, xagga kalluumaysiga.

Tan iyo bilowgii mashruuca xog ururinta heer qaran, maamulaha mashruuca, Jamaal Xasan, wuxuu arkay in dadka mashruuca ka shaqaynaya ay bilaabeen inay mashruuca u arkaan mid ay iyagu leeyihiin, oo ilaalintiisa ay masuuliyad ka saarantahay, maadaama uu yahay mashruuc qaran oo lagu soo saarayo xogta kalluunka Somaaliya lagu maarayndoono mustaqbalka. Masuuliyadda culus ee kor saran bey dareensanyihiin.

Siminaarkii ugu dambeeyey markuu dhamaaday, Gacal (oo ah gacan yaraha mashruuca) wuxuu Jamaal Xasan ku yiri, "Tan iyo markii masuul la iiga dhigay maaraynta ‘database’ka ay xogta ku xafidantahay, waxaan dareemayaa mas'uuliyadda culus ee i saaran."

Xog ururinta ay wadaan dadka mashrucan ka shaqaynaysa wuxuu ugu dambeynti horseedi doona in kalluunka Soomaaliya si wanaagsan loo maamulo, taas oo kor u sii qaadidoonta kalluumaysiga Soomaaliya. 

Read in English