Power Sharing Promises Collaboration in Two New Fishing Communities

A Somali translation can be found at the bottom of the page / Fadlan hoos u dhaadhac si aad u akhrido warbixintan oo af-Soomaali ah

Secure Fisheries has successfully facilitated co-management power-sharing agreements in Laasqoray (Puntland) and Bullahar (Somaliland), solidifying the partnerships between these communities and their governments on collaborative fisheries management. Laasqoray and Bullahar join Secure Fisheries’ other active co-mangaement communities, Zeila and Bander Beyla in this collaborative fisheries management effort.  These agreements are the result of a year-long process of consultations and workshops regarding livelihood support, conflict mitigation, and efforts to combat illegal fishing. Local resource users and the government will now have a forum to discuss and address challenges in the fisheries sector and develop sustainable, equitable, and effective management measures together.

The Laasqoray power-sharing agreement was signed by the Laasqoray fishing community and Puntland’s Ministry of Fisheries and Marine Resources. The National TV of Puntland was in attendance and aired footage from the event on the news. The Ministry was represented by the Director General, Mr. Abdirizak Jama, who was joined by Laasqoray’s cooperative chairman and mayor.  

In Bullahar, Somaliland’s Director of Fisheries Development in the Ministry of Livestock and Fisheries Development joined the Chief of the Hantiwadaag Fishing Cooperative of Bullahar,  the Mayor of Bullahar, and the Director of Secure Fisheries for the signing event, officially establishing Somaliland's second co-management association. The first co-management association for Somaliland was established in Zeila in 2020. 

The formalization of a power-sharing agreement is a milestone achievement for coastal communities as they seek to amplify their voice in the marine resource governance system.  


Somali Translation:

HESHIIS AWOOD QAYBSI OO KOR U QAADAYA WADA SHAQEYNTA U DHAXEYSA DAWLADDA IYO BULSHADA KALLUMEYSTADA AH OO LAGA HIR GELIYEY LABA DEGMO 

Secure Fisheries waxay ku guulaysatay fududaynta heshiisyada awood qaybsiga maamul wadaag  ee Laasqory (Puntland) iyo Bullaxaar (Somaliland), taasoo kor u qaadeysa  iskaashiga ka dhexeeya bulshooyinka iyo dawladahooda ee ku aaddan maaraynta nidaamka maamulka khayraadka badda.  Bulshooyinka Laasqoray iyo Bullaxaar waxay ku biireen  Bulshooyinka kale ee Hayada  Secure Fisheries  hore ugu asasatey Maamul wadaaga Kallumeysi , bulshooyinkas oo kala ah Saylac iyo Bander Beyla. Heshiisyadani waxay ka dhasheen geeddi-socod wadatashi iyo aqoon-is-weydaarsi socday muddo sannad ah oo ku saabsan taageerada hab-nololeedka bulshada, yaraynta khilaafaadka, iyo dadaallada lagula dagaallamayo kalluumeysiga sharci-darrada ah. Isticmaalayaasha kheyraadka maxalliga ah iyo dowladdu waxay hadda yeelan doonaan madal ay kaga wada hadlaan waxna kaga qabtaan caqabadaha ka jira waaxda kalluumeysiga  iyadoo si wadajir ah loo sameeynayo tallaabooyin maamul oo waara. 

Heshiiska awood qeybsiga degmada Laasqoray waxaa wada saxiixay bulshada  kaluumeysatada Laasqoray iyo wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland. TV-ga Qaranka Puntland ayaa goob joog ka ahaa munasibada lagu  saxeexaayay heshiiska  waxaana laga sii daayay muuqaalo laga soo duubay munaasibada. Dhanka Wasaaradda waxa u metelayey Agaasimaha Guud Mudane Cabdirisaaq Jaamac oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Iskaashatada Laasqoray iyo Maayarka degmada Laasqorey. 

Magaalada Bullaxaar, waxa heshiiskan saxeexay Agaasimaha wasaaradda xanaannada xoolaha &Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, Madaxa Iskaashatada Kalluumaysiga ee Bullaxaar, Maayarka Degmada Bullaxaar iyo Agaasimaha Hay’adda Secure fisheries, iyagoo si rasmi ah u daahfurey  ururkii  labaad ee maamul wadaaga kallumeysi  ee Somaliland yeelato. Ururkii u horeeyey ee maamul wadaaga kallumeysi waxa Saylac laga aasaasay 2020.

Heshiiska awood qaybsigu waa guul muhiim u ah bulshooyinka xeebaha ku nool  isagoo ka caawinaya in ay kor u qaadaan codkooda iyo aragtiyahooda ku aadan  nidaamka maamulka khayraadka badda.