Haweenka Soomaaliyeed ee Soo Hooyay Macaash

Waxa qoray Laura Burroughs iyo Mustafa Mohamoud 

Sawirada kalluumaysatada Soomaaliyeed ayaa inta badan muujiya iyaga oo biyaha kasoo jiidaya shabaga kalluunka kuna ridaya doomahooda. Muuqaaladan waxa aan ka muuqan dadka mas'uulka ka ah sameynta iyo dayactirka shabagyadaas, kaas oo ah adeeg ay inta badan bixiyaan haweenku, isla markaana qeyb muhiim ah ka ah dhaqaalaha kalluumeysiga. Si kastaba ha noqotee, bulshooyin badan oo xeebaha dega ayay xirfadani ka maqan tahay, kalluumeysatooyin badana waxay ku khasbanadaan inay boqolaal kiiloomitir ugu safraan magaalooyinka waaweyn si ay u iibsadaan shabagyo ama xitaa si dayactir loogu sameeyo shabagyadooda. Dhibaatadan waxa sii xumeeyey xadidaada isu-socodka ee inta uu jiro COVID-19. Dhisidda xirfadaha sameynta iyo dayactirida shabaga ee haweenka bulshooyinka kalluumaysiga ayaa faa'iido u leh deegaanka iyada oo siisa haweenka dakhli ay ku taageeraan qoysaskooda; taas oo raggana u saamaxda in ay waqti badan ku bixiyaan adeegsiga shabagyadaas isla markaana uu yaraado wakhtigii ay ugu safri jireen dayactirida. 

Sannadkii 2019, bulshada degmada Bander Beyla, Puntland ayaa fursad u helay tababarka sameynta shabagyada. Tababarka oo socday muddo sideed-maalmood ah ayaa waxaa ugu ka qeybgalay haweenka waxaana uu qeyb ka ahaa hindisaha maamul-wadaaga kalluumeysiga ee bulshada si looga taageero in waaxda kalluumeysiga iyo dhaqaaluhu ay noqdaan kuwo wanaagsan oo waara Xubnaha bulshada ayaa muujiyey in loo baahanyay in la haqab tiro baahida deegaanka ee shabagyada iyo dayactirka. Tababarka waxa hogaaminaysay haweeney soomaaliyeed oo khibrad qoto-dheer u leh sameynta shabagyada. 

Tababarka waxa sidoo kale ku jiray qeybta "tababar tababarayaasha" taas oo laba ka qeybgale ay ku barteen sida dadka kale ee ka tirsan bulshadooda loo baro xirfada, kor u qaadista faa'idada hal tababar iyo ballaarinta fursadaha ganacsi ee haweenka hawshan qabta. Shaqaalaha deegaanka ee Secure Fisheries ayaa dhowr bilood kadib dabagal ku sameeyay laba kamid ah ka qeybgalayaasha si ay u arkaan sida uu tababarku u anfacay iyaga iyo bulshooyinkooda. 

net-making Somali womenNadiifo 

Tababarku wuxuu Nadiifo siiyay sees muhiim ah oo ay ku horumariso xirfadaha shabag sameynta. Nadiifo waxyar kadib waxay bilowday dayactirka shabagyada dillaacay ee kalluumeysatada deegaanka. Markii ay kobcisay xirfadaheedii, Nadiifo waxay bilowday inay sameyso shabagyada cusub immikana waxay sameysaa laba ilaa saddex shabag toddobaadkiiba. Nadiifo xitaa waxay bilowday inay u safarto tuullooyinka kale ee kalluumeysiga si ay u iibiso una dayactirto shabagyada. Waxay bartay toban haween ah oo ka tirsan bulshadeeda sida loo sameeyo shabagyada waxaanay sii wadaa tababarida qaar kale. 

Dalabka ayaa sareeya tanina waxay u ahayd Nadiifo il dakhli oo waxtar leh. Waxay daallacdaa dhowr doollar si ay u sameyso ama u dayactirto shabag kasta taasina waxay u sahashay inay bixiso cuntada, dugsiga, iyo dharka carruurteeda. 

 

 

net making Somali women coastal livelihoods Bauxo

Bauxo waxay kasoo jeedaa qoys kalluumaysato ah wuxaanay xustay, “Qoys ahaan, waxaan si buuxda ugu tiirsanahay kalluumeysiga. Ma lihin dakhli kale oo nololeed oo aan ahayn kalluumeysiga. ” Kahor tababarka sameynta shabaga, ninkeeda iyo wiilasheedu waxay ku khasbanaayeen inay soo iibsadaan shabagyada, laakiin xirfadda cusub ee ay baratay Bauxo ayaa lacagta u madhxisay qoyskeeda. Waxay awood u leedahay inay dayactirto shabagyadooda dillaacay iyo in ay sameyso shabagyo cusub markii loo baahdo. Bauxo waxay hadda lix haween ah oo ka tirsan bulshadeeda ku tababartay sida loo sameeyo shabaga. 

 

 

 

Haweenku waxay la kulmaan caqabado gaar ah oo la xiriira doorarkooda silsilada kalluumeysiga. Waxay la kulmaan cabaqado dhaqan, siyaasadeed, iyo sharci oo la xiriira shaqadooda. Marka la barbardhigo ragga, haweenku waxay helaan fursado kooban oo ay ku bartaan farsamooyinka cusub, sidoo kale, haweenka iyo kooxaha laga tirada badan yahay waxay la kulmaan caqabado waaweyn oo la xiriira helitaanka dakhliga maalgashiga. Haweenka Soomaaliyeed sidoo kale waxay la tacaalaan hanjabaadaha ka dhanka ah badbaadooda ee kaga yimaada qeybtan ay raggu maamulaan, qaarkoodna waxay ka werweraan in lagu weeraro jawiyada shaqo ee aan lahayn tallaabooyinka badbaadada ee loogu talagalay haweenka. Laakiin qaar badan, oo ay kamid yihiin Bauxo iyo Nadiifo, ayaa sidoo kale isbeddelo wanaagsan u sameeyay haweenka inta ay mandaqada Soomaaliya horumarinayso qeybteeda kalluumeysiga kadib sannado badan oo colaado ah. 

Nadiifo ayaa ku nuuxnuuxsatay inay haweenku kaalin muhiim ah ka ciyaari karaan qeybta kalluumeysiga ee Soomaaliya, gaar ahaan howsha kahor iyo kadib kalluumeysiga. Fursadaha iyo caqabadaha adag ee haysta haweenka ku jira qeybta kalluumeysiga ee Soomaaliya waxay u baahan yihiin xalal maalgashada iyaga, sida deyn yar oo loogu talagalay haweenka ka shaqeeya qeybta, tababar ku saabsan waarida kalluumeysiga iyo xirfadaha farsamo sida diyaarinta kalluunka, iyo ahmiyad siinta badbaadada haweenka. Marka la sameeyo dedaalladaas, haweenka shabagyada sameeya kaliya ma noqon doonaan kuwo muuqda balse waxay noqon doonaan qeyb muhiim ah oo kamid ah dhaqaalaha kobcaya ee kalluumeysiga ee mandaqada Soomaalida. 

Read in English